Till innehåll på sidan

Macluumaad ku saaban xubinnimadda Iswiidhan ee Nato

NATO waa gaashaanbuur difaac. Hawsha ugu muhiimsan ee ay NATO qabataa waa ilaalinta nabadda wadamada xubnaha ka ah. Waxa taas lagu sameynayaa iyada oo loo marayo tallaabooyin siyaasadeed iyo qaar milatari labadaba. Waxa ay NATO dammaanad qaadaysaa in la difaaco Iswiidhan, laakiin NATO ayaa sidoo kale Iswiidhan shuruudo gaar ah ka dalbanaysa xubin ahaan. Hase ahaatee NATO ayaan adiga shaksi ahaan wax shuruud ah kaa dalbaneynin.

Waxa NATO gundhig u ah heshiis lagu magacaabo Heshiiska Waqooyiga Atlantiga. Waxa uu heshiisku ka kooban yahay 14 qodob, kuwaas oo qodobbada 1, 3 iyo 5 ay si gaar ah muhiim u yihiin.

Waxa uu qodobka 1-aad dhigayaa in hadafka koowaad ee NATO uu yahay in khilaafaadka si nabad ah loogu xalliyo. NATO waxay ka shaqeysaa ilaalinta nabadda Yurub iyo Waqooyiga Ameerika. Taasi oo ku salaysan waxyaalaha ay xubnahu wadajir qadarinayaan, taas oo ay ka mid tahay xorriyadda shakhsi ahaaneed, dimuqraadiyadda iyo xuquuqda aadanaha.

Qodobka 3-aad ayaa dhigaya inay xubnaha NATO awoodaan inay isdifaacaan oo ay difaaca guud ee NATO kaalintooda ka qaataan. Waa inaynu tusaale ahaan iska difaaci karno weerarrada hubeysan, waana inaynu helno bulsho rayid ah oo xooggan halkaas oo waxyaalaha ugu muhiimsan ay shaqeynayaan, xitaa xilliyada ay masiibo iyo dagaallo jiraan.

Qodobka 5 ayaa ah kan ugu caansan. Waxa uu dhigayaa in weerar hubaysan oo lagu qaado hal dal oo xubin ka ah uu yahay weerar lagu soo qaaday dhammaan dalalka xubnaha ka ah. Laakin waxa uu kaasi ansax noqon kartaa oo kaliya haddi ay dhamaan wadamada xubnaha ka ah ay haa u codeeyaan. Waddan kasta oo xubin ka ah ayay isaga khuseysaa inuu go'aan ka gaadho waxa ay tahay nooca gargaarka ee uu bixin doono haddii waddan kale oo xubin ka ah la soo weeraro.

Ayaa go'aamada NATO gaadha?

NATO waxa weeye urur caalami ah oo xubnuhu ay si wadajir ah go'aamada ugu gaaraan, waana in dalalka oo dhami isku raacaan.

Xubinta ugu sareysa ee go'aanka NATO gaadhaa waa Golaha Waqooyiga Atlantiga. Safiirka NATO ee waddan kasta ayaa golaha xubin ka ah iyadoo ay dhammaan xubnahu leeyihiin hal cod. Waxa golaha guddoomiye u ah Xoghayaha Guud ee NATO.

Iswiidhan oo ka mid ah Nato

Dagaalka Ruushka ee Ukraine ayaa ammaanka Yurub khatar weyn ku ah. Marka ay Iswiidhan xubin ka tahay ayay NATO ka helaysaa dammaanad qaadyada amniga, waanaynu ka qaybqaadan karnaa habka go'aan qaadashada. Waxa aynu sidoo kale sii xoojin karnaa iskaashiga aynu la leenahay dowladdaha kale ee xubnaha ka ah. Dhammaan xubnuhu waxay NATO ku biirinayaan agabka milatari iyo mid rayid ah labadaba.

Wadashaqeynta rayidka ee NATO

Bulsho xooggan oo adkeysi leh ayaa ah qayb muhiim ah oo shaqada difaaca ee NATO ka mid ah. Waxay Iswiidhan isla haddaba dhisaysay difaaceeda guud sida waafaqsan xeerarka NATO. Marka ay Iswiidhan NATO xubin ka tahay ayay sii wadi doontaa inay difaaca rayidkasi la mid ah ula sii shaqeyso laakiin iyadoo taas si weyn ula xiriirinaysa NATO.

Wadashaqeynta milatari ee NATO

NATO ayaa difaaceeda u qorsheysa si wadajir ah. Xubnaha ayaa si wadajir ah u tababaranaaya si ay si wanaagsan ugu diyaar garoobaan haddii dagaal dhaco. Waxa difaaca Iswidhan haddaba la waafajiyay nidaamka NATO, heerka xeelad ahaan iyo qeybaha difaaca ee kala duwan dhexdoodaba. Isbeddellada loo baahan yahay waa kuwo istaraatiiji ah oo go'aan qaadashada NATO khuseeya.

Wadajir ahaan ka xoogan

Waxay NATO Iswiidhan ka dhigi doontaa mid ka xooggan, bulshada rayidka ah ahaan iyo milatari ahaanba. Waxay NATO dammaanad qaadaysaa amnigeena, waxa aynanu heli karnaa kaalmo militari oo ka timaada 31 waddan haddii uu dagaal qarxo. Xubin ahaan ayay Iswiidhan ka qaybqaadan kartaa tababaro waaweyn oo ka heer sareeya. Waxaynu heli doonaa aqoon cusub iyadoo ay NATO inaga caawin karto horumarinta diyaargarowgeena madaniga ah.

Maxay aniga NATO iiga dhigan tahay?

NATO ayaan adiga shaksi ahaan wax shuruud ah kaa dalbaneynin, marka laga reebo waxa loogu yeero waajibaadka difaaca oo horeba uga shaqeynaayay Iswiidhan.

Dad badan ayaan haba yareetee dareeminba inaynu NATO xubin ka noqonay. Waxa ugu horreeya ee la dareemayaa waa leyliyada Iswiidhan lagu qabanaayo iyadoo wadamada kale ee xubnaha ka ah lala kaashanayo.

Haddii shaqadaadu ay bulshada muhiim u tahay ayaad ogaan doontaa saamaynta ay kuu leedahay adiga shakhsi ahaan iyo goobtaada shaqada labadaba marka ay Iswiidhan si degdeg ah ugu xoojiso difaaceeda madaniga ah. Dadka ka shaqeeya Ciidamada qalabka sida ayay xubinnimada NATO u noqon kartaa fursad ay wadanka dibadiisa ugu soo shaqeeyaan.

Miyaa xubinnimada NATO saamayn kartaa waajibaadka difaaca guud ee Iswiidhan?

Maya, ma sameyn doonto taas. Xubinimada Iswiidhan ee NATO ayaan saameyn doonin shaqada qaranka ee Iswiidhan ama shuruudda ah in qof kastaa uu caawiyo haddii ay jirto khatar dagaal ama uu dagaal jiro. Wax ka bedelka kaas ayaa u baahan go'aanno siyaasadeed. Waxay Iswiidhan sii wadi doontaa inay go'aan ka gaarto cidda adeega shaqada qaranka loogu wici doono iyo goobta iyo sida uu tababarku u dhacaayo.

Xitaa dadka aan shaqada qaranka ama waajibaadka madaniga loogu yeedhin ayaa leh door muhiim ah oo ay ka ciyaari doonaan difaaca guud ee Iswiidhan. Dhamaan dadka ay da'doodu u dhaxayso 16 iyo 70 ayaa loo yeedhi karaa si ay bulshada u caawiyaan marka ay masiibo ama uu dagaal jiro. Waxa taasi tusaale ahaan noqon kartaa qaybinta cunto iyo biyo. Waxa loo yaqaanaa waajibaadka shaqo ee guud. Waxa kuwaas oo dhan xukumi doona sharciyada Iswiidhan iyada oo aan khusayn xubinnimada Iswiidhan ee NATO.

Till toppen av sidan